Akhriso Faallo:CIRIIRIGA WADDOOYINKA MUQDISHO XUKUUMADDU MAARO MA U WAYDAY?

Magaalada Muqdisha,waa Caasimaddi iyo Muraayaddii Soomaaliya, waana halka laga daawado Dhaqanka  iyo Il baxnimada Soomaalia, guud ahaan waa Magaalo Fac weyn oo qaddiimi ah sida ay muujinayaan Goobaha Taariikhiiga ah eek u yaala degaanada Dacalka ku haya Xeebaha Magaalada Muqdsisho.

Marba haddii la yiri waa Magaalo Madaxdii Soomaaliya waxaan Shaki ku jirin in Magaaladu ay lahaato Maqaamkii ay lahayd oo ay ka muuqdaan Astaamaha ay Magaalooyinka Caalamka kula tartami karto iyo hoggaanka ay u tahay Magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

Magaalo Caasimad ah waa in ay leedahay Nidaam iyo dad ku ilaaliya Nidaamkaas, sida Gaadiidka iyo adeegyada Bulsho ee lagama maarmaanka  u ah Magaaladaas si habsami u socodka hawlaha Magaaladu u noqdaan kuwo si habsami leh u shaqeeya.

In kastoo Gumaysigii Talyaaniga oo Maamulkiisu muddo dheer uu gacanta ku hayay Muqdisha haddana qaab dhismeedkii ay ahayd uma samayn, waxayna lixdankii ka hor Magaalada Muqdisho ay lahayd  waddooyin aad u kaaban iyo dhismayaal inta badan ka samaysan Baraakooyin iyadoo hab degaankuna uu ahaa mid Obosiiba ah marka laga reebo Degmooyin faro ku tiris ah oo badanaa Dad Ajaaniib u badan ay Deegaamaysan jireen.

Marka aan u soo laabto Muqdisha iyo Maanta in kastoo ay jiraan Dhismayaal Muuqaal ahaan aad u qurxoon haddana lama oran karo Dhisme ahaan heerkii laga rabay Muqdisho waa uu gaarsiisan yahay, maxaa yeelay waxa aad isugu dhex jira Goobihii Ganacsiga sida Hoteeladii iyo goobihii kale ee Ganacsiga, sidoo kale Addegyo badan oo meesha ka maqan.

Intaasi marka aan hoos uga daa dego Muqdisho oo ay ku noolan yihiin Shacab gaaraya illaa afar Malyan + Kumanaan Daafaheeda ka yimaada ayaa waxa ay muujinaysaa in Magaaladu aysan Xamili Karin Dadka tiradaa leh ama waxaa la dhihi karaa waa miid buux dhaaftay iyadoo buux dhaafiduna ay sii kabtay Gaadiidka faraha badan ee magaalada lagu soo yaacshay.

CIRIIRIGA WADDOOYINKA MUQDISHO XUKUUMADDU MAARO MA U WAYDAY? Marka dhinacyo badan laga eego waxaa kuu soo baxaya in Hay’adihii qaabilsanaa hawshaas in ay ka gaabiyeen qorshe u samayntii si la isugu jaan gooyo Xaddiga Gaadiid iyo Waddooyinka Magaalada kuwooda hadda shaqaynaya.

Iyadoo Ciriirigaa uu jiro ayay haddana Xukuumaddu waxa ay xidhay waddooyin badan oo haddii ay maanta shaqayn lahaayeen  in yer oo Nafis ah la dareemi lahaa, lagana raysan lahaa Ciriirigan faraha badan oo ragaadiyay hanaankii isu socod ee Gaadiidka faraha badan oo dhex cararaya Muqdisha.

Ka sokow  mas’uuliyada guud ee Xukuumadda Federaalka haddana Hay’adihii arrimahaa ku shaqada lahaa ayaad moodaa in aysan lahayn qorshe Jaan go’an oo lagu salaynayo Baahida Gaadiid ee Caasimadda, sida Wasaaradda Gaadiidka oo iyadu biuxisa Milkiyadda Gaariga iyo Taargadiisa, Wasaaradda Ganacsiga oo qayb ka ah Hay’adaha wax ka maamula Gaadiidka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Hay’adahas ayaa ah kuwo Dawladda ugu xilsaan  hawshaa kuwaasoo iyaguna aan la dhimayn Kontoroolkii iyo xaddidaadii Baahida Gaadiid ee Magaalada.

Tira badnida gaadiidka oo mar walba Caqabado ku ah habsmi u socodkii Gaadiidka, ayaa haddana taa waxa bar bar socda Shilalka faraha badan oo maalin walba aad ku arkayso Waddooyinka, shilalkaas oo ay gaystaan Wadayaal qaarkood aan soo marin hanaankii loo mari jiray Wadista Gaadiidka ama aan haysan Sharciyadii Gaadiid wadaha looga baahnaa.

Si kastaba Ciriiriga Waddooyinka Muqdisho haddii Xukuumadda Federaalku aanay xal keenin waxaa dhowrka Sano ee soo socda la arki doonaa hakad ku yimaada Gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa kaleba arrintaas oo sumcad xuma ah.

Ugu danbayntiina Dawladda Federaalka Soomaaliya oo mindhaa aan ku baraarugsanayn Xaaladahaas jira ayaa waxaa la gudboon in dib ay ugu noqoto Waddooyinka ka jira Magaalada iyo Gaadiidka maalinba maalinta ka danabaysa ku soo badanaya oo haddii aan maaro loo helin keeni doonta Caqabado aan weligood dhamaan oo Bulshada Magaalada ku dhaqan saamaysa.