Akhriso Faallo:- Shilinka Soomaaliga Oo Haatan Haadaan Ka sii Shalwanayaa

Guud ahaan Dalka Soomaaliya marka aad eegto waxaa ka sii gabaabsi ah Lacagihii Shilinkii Soomaaliga wallow ay jiraan Gobolada Dalka qaar ka mid ah oo aan lagaba Isticmaalin Shilinka Soomaaliga .

Bur-burkii kaddib ayay ahayd markii si tartiib tartiib ah Suuqa looga saaray Lacagihii Soomaaliga ee Qadaadiicda ahaa iyo kuwooda Nootka ahaaba iyadoo ku dhawaad Soddonkii Sano ee u danbeeyay Lacagaha Dalka laga Isticmasalo uu ahaa Kunka Shilin oo haatan moodo isaguna inuu Khadka  ka sii baxayo

Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Shacabka kale ayaa waxay dhiiri galin u sameeyeen Lacagihii Qalaad sida tan Dalka Maraykanka laga leeyahay ee Doolarka la yiraahdo. Oo noqotay lacagta ugu xooggan ee maanta Dalka Soomaaliya laga Isticmaalo.

Xukuumadihii Talada Dalka isaga danbeeyay wixii ka soo bilowday markii Xukuumaddii Dhexe meesha ay ka baxday ma jirin Xukuumad keliya oo hoos u eegta Dabar go’a ku socda Shilinka Soomaaliga taasina waxay muujinaysaa Mas’uuliyad darro iyo inaan xil la iska saarin sidii dib loogu soo nooleyn lahaa Shilinkii Soomaaliga.

Mas’uuliyadda koowaad  ayaa waxaa qaadanaya Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo waajibkiisu ahaa inuu Duugoobey dib u Xareeyo soona Saaro Lacago C usub, sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa qayb ka noqonaysa  Bah dilka lagu sameeyay Shilinkii Soomaaliga.

Wasaaradda ayaa waxay muddo dheerba Gucle Orod ugu jirtay sidii Beesha Caalamka  sida Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF ay uga dhaa dhicin lahayd in Deymanka laga Cafiyo halkii ay ahayd in Xoogga la saaro sidii wax looga qaban lahaa Lacagaha sii Tafiir go’aya  oo ay Soomaaliya leedahay.

Hay’adaha Maaliyadeed ee Dalka iyo Xukuumaddaba Doorkoodaas ayaa meesha ka maqan maxaa yeelay aad bay u yer tahay inta ay soo hadal qaadaan sidii dalkan uu samaysan lahaa Lacag maxaa yeelay Lacagtu waxa ay qayb ka tahay Astaanta Dawladnimo lagu garto taasina meesha waa ay ka maqan tahay.

Barlamaanka Soomaaliya oo ah Hay’adda Sharci dajinta, gaar ahaan Guddigiisa Maaliyadeed ayaa isaguna dhankiisa ka seexday sidii uu Cadaadis ugu saari lahaa Daabacadda Lacago kal hore la sheegay in la soo daabacayo sida uu dhowr mar ku cel celiyay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo mar walba ku faana in Dhaqaalaha wax badan ay ka qabteen.

Hadalka Wasiirka ayaa u muuqanaya mid aan dhamays tirnayn, maxaa yeelay Shacabku waxay yaqaaniin   I TUS OO I TAABSII mana jirto wax la tusay ama la taabsiiyay, waxayna u arkaan in waxani ay yihiin oo keliya hadal afka uun laga sheego.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda oo horey u sheegey in loo baahan yahay Lacago Dibosito ah oo la sii dhigo Bangiga Adduunka ama Hay’adaha Dhaqaalaha Caalamka qaabilsan si Dalka soo Codsada  Lacago Samaynta loogu fududeeyo sidii Lacago Cusub loogu daabici lahaa.

Hadal Haan Lagama Buuxsho, Hawl Baase Horumar leh” intii Xukuumaddu ay hadal dheer ku bixin lahayd waxaa ka haboon in Shaqo la qabto, Xaaladda uu ku sugan yahay Shilinka Soomaaligana wax laga qabto.

Si kastaba Shacabka ku dhaqan Gobolkan Banaadir iyo Gobolada kale ee Dalka ayaa haatan haya wadadii uu ku suuli lahaa Kunka Shilin oo ah Lacagta keliya ee Maanta Dalka taala, iyadoo Ganacsatu ay bilaabeen in ay kala xulaan Kunka Shilin iyadoo kii jeexan ama jilicsan iska soo xaaqaya ama diidaya.

Guntii iyo Gunaanadkiina  Xaaladda Kunka Shilin ayaa iminka u Muuqanaysa Mid Haadaan Dheer ka sii Hoobanaya oo haddii Hay’adaha qaabilsan bad baadintiisa wax ka qaban dhowrka Bilood ee soo socoita ay dhici doonto in wax walba lagu kala bedesho Lacagaha Doolarka ah Su’aashuse baa waxa ay noqonaysaa Cid walba ma awooddaa inay hesho Lacag Doolar ah.