Akhriso: Faallo Macalinkeena Allow Kaal,Macalinkiisa Allow Kaal, In Kaashaba Allow Kaal

Dhaqanka  Gumaysiga  iyo  Siyaasadihiisa Gurracan waxaa ka mid ah Dalka uu Gumaysanayo inuu ka Gumaysto Dhinaca Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Aqoonta si Dalkaas uga hor joogsado inuu Gaaro Aqoon garansiisa Dabeecadaha Gumeystaha.

Dalkeena Soomaaliya Gumaystayaashii soo maamulayay ka hor Xuriyaddii Dalka waxay ahaayeen kuwo Maskaxiyan u haystay  Shacabka Soomaaliyeed kana ilaaliyay inay hor mariyaan aqoonta iyo il baxnimadeeda iyagoo u tusayay Soomaalida in Luqadda Gumaystaha ay tahay tan hor marsan Il baxnimaduna ay ku jirto waa sidii ay dadka ka dhaa dhicinayeene.

In kastoo Dalku Gumaysi ku jiray haddana Macalinka Soomaaliyeed wuxuu ahaa midkii mar walba u taagnaa siduu wax u bari lahaa Dadkii Soomaaliyeed ee aqoonta u Oomanaa Hammuuntana u qabay in kastoo ay dareemayeen Cadaadis badan oo uga imaanayay Gumaystayaashii Dalkan Xukamayay.

Taariikhda Macalinka Soomaaliyeed marka laga hadlayo waxaa shaki la’aan Xusuustaada ku soo dhacaya Shiikh Xasan Barsane,  iyo Rag kale oo  ay ka mid ahaayeen Gahayr iyo Macalinkii Tacliinta Soomaaliyeed Maxamuud Cali kuwaas oo dhankooda halgganka ku bixiyay sidii loo heli lahaa Dad ka dhisan dhinaca Aqoonta. Iyo Il baxnimada.

Macalinka Soomaaliyeed Doorkiisii faafineed ee Aqoonta in kastoo uusan helin mudnaaniintiisa haddana wuxuu ahaa mid Dareenkiisii waddaniyadeed darteeda uu Hawshiisa si Soomaalinimo ay ku jirto u guta isagoo isu taagay in Dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo wax barta.

Sagaalkii Sano ee ka horreysey Xukuumaddii Millateriga Macalinka Soomaaliyeed ma ahayn mararka qaar Xuquuqdiisa sidoo kale waxaan jirin Ictiraaf iyo Xushmad loo hayay Macalinka Soomaaliyeed oo ah midka u taagan la Dagaalanka Cadowga Jahliga iyo dib u dhaca Dalka taasoon loo aqoonsanayn ama loo ogayn Kaalinta uu kaga jiro Hawlaha Dal lagu hor marin karo.

21ka  November oo maanta oo kale ah ayaa loo asteeyay in ay noqoto Maalinta lagu Xasuusto Macalinka Soomaaliyeed iyo Halggankiisii taasoo ay jidaysay ama ay samaysay Maalintaas Xukuumaddii Millateriga ahayd oo Macalinka Soomaaliyeed Sharaftiisii iyo Karaamadiisaba soo ban dhigtay.

Xukuumaddii Kacaanka oo la ogaa Doorkeedii Najaxinta Afka Soomaaliga ayaa waxa ay Shaqaalaysay Kumanaan Macalimiin ah iyadoona Sanad walba ay Dugsiyada Dhexe ka soo bixi jireen Boqolaal Arday oo loo qaato Barnaamijkii loo Yiqiin ( BB ) oo lo laga soo gaabiyay Brimery Broggram kaasoo Tababarnimo Macalinimo lagu siin jiray Ardeyda ka soo baxda Dugsiyada Dhexe ee Dalka halka dhinaca kalena ay jireen Boqolaal Macalimiin ah oo iyaguna soo dhamaysta ama aqoontoodu ahayd Dugsi Sare kuwaas oo Dugsiyada Dalka wax ka dhigi jiray.

MACALINKEEN ALLOW KAAL, MACALINKIIS ALLOW KAAL,  IN KAASHABA ALLOW KAAL.  Marka aan dhinac kale aan ka eegno xilligii Dalku uu ku jiray Bur burka iyo Dawlad la;aanta Macalinku wuxuu mid ay si weyn u saameeyeen Duruufihii Dalkan soo maray in kastoo ay sidaa ahaydna haddana Macalinka Soomaaliyeed mid Habeen qura ka seexda siduu u sii wadi lahaa Halggankii uu ugu jiray sidii loo hor marin lahaa Tacliinta Soomaaliyeed oo bur burkii Dalkan ka dhacay si weyn u saameeyay.

Si kastaba Dadaalka faraha badan ee Macalinka Soomaaliyeed waa mid ay xusi doonto abid Taariikhda Umadda Soomaaliyeed oo abaal badan u haysa Macalinka Soomaaliyeed oo u arka in Macalinku uu yahay  Difaaca qura ee hor taagan Sedaxda Cadow ee Aaadanuhu leeyahay mid ka mid ah J A H L I G A.

Aqoon la’aan waa Iftiin la’aan sida ay Xikmaddaasi u tiri Macalin la’aan waa Aqoon la’aan  Macalinka la’aantiisana Dunidaba ma gaarteed Horumarka iyo Culuumta ay Maanta ku tallaabsatay.

In kastoo Dalka Maanta ay ka jiraan Dugsiyo iyo Jaamicado iyo Macalimiin fara badan haddana waa lagama maarmaan mar walba in Macalinka Soomaaliyeed uu ahaado Tabihii looga  bartay oo ahaa Abaabiya, Bar baariya, Kobciya  iyo Horssede si taa loo helana waa in Macalinka Soomaaliyeed uu yahay mid Dareen waddaniyadeed leh, mid aragti dheer oo qudhiisa diyaarsan.

Ugu Danbayntiina maadaama Xilka Macalinka Soomaaliyeed iyo Doorkiisa aqoon kaabid qormo keliya lagu soo koobi Karin haddana waxaan qormadan Munaasibaddaas aawgeed aan leenahay . MACALINKEEN ALLOW KAAL, MACALINKIIS ALLOW KAAL,  IN KAASHABA ALLOW KAAL.