Akhriso Faallo: Dib U Dhigidda Dacwaddii Badda Ma Daciifnimo Soomaali laga Dareemaa?

Tan iyo markii ay soo shaac baxday Doodda Gar Naqsiga Dacwadda u dhaxeysa Dawladaha Soomaaliya iyo Kiinya oo ku doodaysa in Biyaha Soomaaliya qayb ka mid ah iyadu leedahay, waxay wadday Xukuumadda Kiinya Daf daf iyo Derbiyo isku qaad  ay ku doonayso in ay Hantiso Biyaha Soomaaliya iyadoo Geed Dheer iyo Mid Gaabanba u Fuushay sidii Damaceeda waalan uu ugu meel mari lahaa.

Xaqiiqdii Dadaalkii faraha badnaa ee Kiinyaatigu u galay sidii Depolomasiyad ahaan arrintaa guul uga gaari lahaa waxaad u moodaa in ay u hir gashay ka gadaal markii Dalab laba goor dhankeeda ka yimid dib loogu dhigay Dhagaysiga Dacwadda labada Dal u dhaxaysa ee hor taala Maxkamadda Huge ee Dalka Nadar land.

Soomaalida ayaa si weyn isku dhigatay intii Kiinyaangu Orodka ku jiray iyagoona is tusiyay in wax walboo dhaca Dacwaddaas ay kaga libaysan doonaan Kiinyaatiga iyadoo Kalsooni buuxda ku qabta Joqoraafi ahaan in Biyahaasi ay yihiin Biyaha Soomaaliya.

Dawladda Kiinya ayaa si walba galaan gal u gashay sidii ay  damaceeda ay uga dhaa dhicin lahayd Ururka Midowga Afrika iyo waliba Maxkamadda Adduunka ee ICJ, taasina waxaa u daliil ah laba goor oo ay codsatay in Dacwadda dib loo dhigo taasina waa ay u meel martay iyadoo waliba ay suurta gal tahay in mar sedaxaadna ay codsato in Dacwadda dib loo dhigo waana arrin macquul ah oo ay suurtowdo.

Kiinya mar walba oo Dacwadda dib loo dhigaba waxay maleegeysaa Dhagaro hor leh iyo barnaamijyo ay maqashiinayso Dalalka arrintaa ku taageersan oo Yurub iyo Caraba isugu jira kuwaasoo lugta sii jiidaya  meel marka Dacwadda  Badda ee u dhaxaysa labada Dal.

Dhawaan ayay ahayd markii Maxkamaddy sheegtay in dhagaysiga Dacwadda si kama danbays ah dib loogu dhigay Siddeedda Illaa Laba iyo Tobanka Bisha Juun ee Sanadka 2020 waa muddo Siddeed Bilood oo kale ah.

Xukuumadda Uhuru ayaa wax badan ka bedeshay Qareenadii ay doonaysay in ay u difaacaan badda Soomaaliya iyagoo mar marsiinyo ka dhigtay si Dacwadda mar kale dib loogu dhigo in ay bedeshay Qareenadeedii sidaa darteedna ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo lagu daro mudadii hore loo Iclaaniyay.

Bayaankii ka soo baxay Maxkamadda ICJ waxaa ka hadlay Dawladda Federaalka Soomaaliya Mas’uul u hadlay ayaana si niyad sami ah u muujiyay in go’aankaasi Soomaalida soo dhaweynayso arrintaas oo si weyn uga caraysiisay Dad Soomaali ah oo muddaba u dheg taagayay Dhagaysiga dacwaddaas oo dib u dhiugiddeedu si weyn u dhibsaday iyagoo ka xumaaday oggolaanshaha ay Dawladdu oggolaatay in mar kale Dacwadda dib loo dhigo.

Qadiyadda Badda Soomaaliya ma aha mid la fududeysan karo, waxaana habboon in  marnaba la oggolaan is bed bedelka Kiinya oo waxa ay doonayso ay tahay in ugu danbayn ay la soo gole fariisato in arrintaas Xaal Mastuur iyo Xeer Ja jab lagu dhameeyo, Taageerayaasheeduana waa sida ay doonayaan, balse waxaa is weeydiintu yahay Dawladdu ma waxa ay la sugaysaa Kiinya inta ay la imaan doonto Xaal Mastuur iyo wax la mid ah.

DIB U DHIGIDDA DACWADDII BADDA MA DACIIFNIMO SOMALI LAGA DAREEMAA? Si walba ayaa loo fasiri karaa waa maree in Cadaadis Soomaalidu uu ka soo wajahay dhinacyo kala duwan oo Beesha Caalamku hormuud ka tahay , sidoo kale waxaa loo fasiri karaa in loo dhega raa raacin rabo sida ay Kiinyaanku rabaan oo ah in wada hadal la galo.

Waddaniyiinta Soomaaliyeed ayaa Dhaar ku maray in marnaba ayan dhagaysan doonin dhawaaq walba oo Kiinya iyo Dawladdaba ka soo dhaca  kaasoo sheega ama sheegaya in Baddii Soomaaliyeed gor gortan la geliyo, Shacabka oo isku duubana waxa ay u diyaarsan yihiin in ay difaacaan Biyahooda iyo Berrigooda.

Si kastaba Dawladda Kiinya yaanay marnaba ku Riyoon in Taaka ka mid ah Biyaha Soomaaliya inay dhayal dhayal ku qaadato, waxayna hore uga xanaaqsanaayeen Dhulka ay naga haysato haddiise Baddii Damac ka soo galay wallee Waraf iyo Shinbiro War isuma hayaan.

Ugu danbayntiina Soomaaliya Soomaali baa leh Shacabkeeduna ma qaadanayo daan daansi Gumaysi iyo doc ka yeeradooidaba