Akhriso Faallo: 12-October Maalinka Calanka Soomaaliyeed oo Maanta ku beegan

12-October ee Sanadkii 1956kii ayay aheed markii ugu horeysay  oo la naqshadeeyay Calanka jamhuuriyada soomaaliya taasoo sanad  walba  markii lagaaro 12-october Laga xuso gayiga soomaaliyeed munaasabadda maalinka calanka soomaaliyeed

12-october oo maanta ah ayay waxay munaasabadaan  kusoo aadaysaa xili dalka soomaaliya ay ka jiraan xasaasiyado kala duwan gaar ahaana markaan eegno magaalada kismaayo iyo arimaha kasoconaya

Dowladda kiinya oo jaar la ah soomaaaliya islamarkaana qayb ka ah howlgalka midowga Africa ee amisom loo yaqaan ayaa waxay noqotay xukuumadda afrikaanka ee kaliya ee kashaqeenaysa carqaladenaysa jiritaanka qaranimada soomaaliyeed ka gadaal markii ay jabisay amarkii ahaa in diyaaradaha ka imanayaa magaalada nairobi ay soo maraaan magaalada muqdisho

Kenya waxa si ula kac ah ugu tumatay xerarka caalamiga ah iyo shurucda duulimaad ee beesha caalamka ay aqoonsan tahay kadib markii ay soo dirday magaalada kismaayo wifdi uu hogaaminaayo mudane ka dirsan barlamaanka dalka Kenya kasoo ka qeyb galaya munaasabada Caleema saarka Axmed madoobe

Sikastaba dhawaan ayay aheyd markii ay wasaarada arimaha dibada soomalaiya ay uyeertay safiirka ufadhiga soomaaliya si ay ugudbiso ashtago ka dhan ah dowlada Kiinya ay ku soo xadgudubtay soomaaliya kadib markii ay ka dagatay magaalada kismaayo diyaarad siday siyaasidiin soomaali ah

Ugu danbentiina dowlada Kiinya ayaa umuuqata mid dhagaha ka fureesaneysa qawaaninta caalamiga ah ee dalna inuusan dal kale ku xadgudbi Karin Balse Kiinya iyadoo noqotay xukuumatii ugu horesay ee mantiqadaan falkas ku tilaabsatay