Abiy Axmed oo lagu Eedeyay Xasilooni Darrada Ka jirta Soomaliya

Bilooyin uun ka dib markii uu ku guuleystay abaal marinta nabadda ee nobel, abiy axmed ra,iisul wasaaraha dalka itoobiya ayaa lakul Maya Eedeymo ah inuu faragelin ku hayo arimaha Wadamada deriska sida Somaliya iyo koonfurta suudan.

Laba war bixin oo ay soo saartay qaramada midoobay bishii nofeembar ayaa lagu Dhaleeceeyay abiy axmed inuu sii hurinayo Dega naan la’aanta ka jirta soomaliya.

Danjiraha itoobiya u fadhiya Kenya oo wareysi siiyay wargeyska daily nation ayaa ku sheegay  Eedey mahaas kuwo aan xaqiiqda ku saley saneen asagoo intaasi ku daray in mid ka mid ah  tiirarka arrimaha dibadda ee itoobiya in ay tahay in aan lafara galinin arimaha Gudaha ee dalal kale.

Wargeyska ayaa sido kale ku waramay in madasha xisbiyada qaran ee Somaliya  oo ay ku mideysan yihiin in ka badan lix xisbi ay u qoreen warqad abiy axmed ayagoo ugu baqay inuu joojiyo faragalinta siyaasada gudaha ee Somaliya .

Siyaasiyiintan uu wargeyska soo xigtay ayaa sheegay in itoobiya ay dalka soomaliya soo gelisay ciidamo aan amisom  ka tirsaneyn taasina ay wiiqi karto Hanaanka dimoqraadiyada ee Somaliya.