Xoghayihii iyo Afhayeenkii Xisbiga Wadani oo xoriyadooda dib uhelay

Wararka nagasoo gaaray magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in caawa xoryaddoodii ay dib uheleen Xoghayihii Guud iyo Afhayeenkii Xisbiga Wadani Khadar Xuseen Cabdi iyo Barkhad Jaamac Batuun oo dhowaan Jeelka ay dhigeen Ciidamada Booliska Soomaaliland.

Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar Xuseen Cabdi ayaa waxaa la xiray 17 bishan November ee sanadkan 2019-ka ka dib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen kicin dad weyne oo gabaasho lahayn iyagoo hadda soo qaatay 10 cisho oo xarig ah.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa xaqiijiyay in Xoghayihii iyo Afhayeenkii Xisbiga Wadani Khadar Xuseen Cabdi iyo Barkhad Jaamac Batuun caawa yihiin xor ka dib dadaalo ay ugaleen sidii loo soo dayn lahaa una hirgashay inay soo daayaan.

“Ugu dambayn aad ayaan ugu faraxsanahay in aan helno oo aan xaqiijiyo soo daynta xubnihii nagu qaalig ahaa ee nalaga xiray in xoriyadooda caawa dib uheleen iyagoo caafimaad qaba waxay uxirnaayeen arimo siyaasadeed oo xaqdaro ah”ayuu yiri Gudoomiye Cirro.

Xariga labadaas mas’uul ee ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa waxaa ka dhashay caro xooggan iyadoo dibadbaxyo looga soo horjeedo xarigaasi ay ka kala dheceen magaalooyinka Hargeysa,Burco iyo deegaano kale oo xisbigaas taageeriyaal xooggan uu ku leeyahay.

Dhinaca kale waxaa Xisbiga Wadani wali ka xiran Gudoomiyaha haweenka Xisbiga Wadani garabka Gobolka Togdheer Xaawo Rooble oo maalin kaliya ka dambaysay xariga Khadar Xuseen Cabdi iyo Barkhad Jaamac Batuun ee caawa la sii daayay.