Wararka ka imaanayaa Magaalada kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah Ee maamumlka jubaland ayaa sheegaya in maalmahii lasoo dhafay ay kulamo gaar gaar ka socdeen Magaalada kismaayo kulamadaas oo ay wadeen beesha Caalamka taas oo Axmed madoobe la hor dhigay in uu dib uga laabto doorashdii dhawaan ka dhacday magaalada kismaayo taas oo uu isku doortay Axmed madoobe.
Doorashadaas oo ay kasoo Hor jeesteen dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka taas oo lagu tilmaamay in axmed madoobe uu kaligiis istoortay ayna suura galeen in la aqoonsado.
Warar madax banaan oo ay heshy warbaahinta danan ee muqdisho ayaa sheegaya in Axmed madoobe uu ka ogolaaday beesha Caalamka in doorashdii ka dhacday kismaayo oo aan sharciga waafaqsaneen uu ka laabto taas oo lagu sheegay in dib loogu celinayo doorashadii ka dhacday kismaayo.
Xubno ka tirsan jubaland oo ku sugan magaalada kismaayo ayaa warbaahinta danan si hoose ugu sheegay in uu aqblay Axmed madoobe in uu ka laabto waxii ka dhacay magaalada kismaayo dibna loogu celiyo doorasho cusub oo xur iyo xalaal ah.