Xisbiga Midigta fog ee spain oo Guulo kasoo Hoyey Doorashooyinka Dalkaas kadhacay

Xisbiga Midigta fog ee spain ayaa laba jibaaray tirada Xildhibaanadii ay kulahaayeen Aqalka Barlamaanka halka xisbiga muxaafidka ee hanti wadaaga ay tirada Barlamaanka ay kulahaayeen  hoos u dhacday.

Booqolkiiba 99.6% Codadka la tiriyay ayaa Xisbiga hanti wadaaga oo uu Hogaamiye u yahay ra”iisul wasaaraha ku meel gaarka ah Pedro Sanchez ayaa helay 120 kursi halka ay  lumiyeen 3 kursi marka loo barbardhigo doorashadii udambeysay waxaa sidoo kale xisbiga lumiyay aqlabiyadii  uu aqalka sare uu kulahaa.