Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad u dhexeysa ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ay ka taagan tahay gobolka Gedo.

Xiisadan ayaa timid, kadib markii uu sii xoogeystay khilaaf u dhexeeyey labada dhinac oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa halkaasi, iyadoona laga cabsi qabo inay dagaalamaan labada ciidan.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa isku qabtay dad taageersan dowladda, kana soo horjeeda Jubbaland oo lagu xir xiray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii dambe uu jiray khilaaf u dhexeeyey dowladda oo ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo, iyo sidoo kale xariga ay dowladda u geysatay wasiirka amniga Jubbaland oo weli ku xiran magaalada Muqdisho.