WHO oo lacag uraadineysa Fatahaadaha soo laa laabtay ee Dalka ka Dhacay

Ururka caafimaadka Adduunka ee WHO aya sheegtay inay raadineyso taageero dheeri ah oo ah 1.38 milyan oo doolarka mareykanka si kor loogu qaado loona joogteeyo howgallada  samafalka ah ee  hadda ka socda degmooyinka ay fatahaaduhu saameeyeen
WHO ayaa bayaankeeda ku sheegtay in roobabka mahiigaanka  ah oo ka da’ay soomalia iyo buuraha itoobiya ay sare u qaadeen heerarka biyaha ee wabiyaha shabeelle iyo jubba kuwaas oo saameyn ku yeeshay dad lagu qiyaasay 539,888 qof waxayna horseedeen barakaca in ka badan 370,000 oo qof oo ay ku dhinteen 25.
“waxaan qorsheyneynaa in aan gaarsiino in ka kabadan 450,000 qof oo ah dadka ay sida ugu badan u saameeyeen dhibaatooyinka caafimaad saddexda bilood ee soo socota “ ayuu yiri wakiilka WHO ee soomaliya .wakiilka ayaa intaasi ku daray in wejiga xiga markay biyahaas baxaan ay tahay inay gacan ka geystaan dib u soo celinta iyo dhaqangalinta adeegyada caafimaadka.
WHO ayaa sidoo kale  sheegtay inay kor u qaaday gurmadka caafimaad ee deg dega ah ee ay ka wadeen degmooyinka ay dhibaatadu saameysay si looga hortago cudurada faafa .WHO ayaa xaqijisay in ilaa iyo hada in aysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashey cudurrada la is qaadsiiyo oo laga soo sheegay degaannada ay daadadku saameeyeen.