Wasiir Maareeye oo jawaab kulul siiyay Siyaasiga CC Warsame

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay Saxaafadda ayaa ujawaabay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in Sheekh Xasan Daahir Aweys usoo adeegsatay in isaga uu Gaaleesiiyo.

Wasiir Maareeye ayaa usheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu kala fahmo cida isaga haysata iyo cida aan haysan wuxuu usheegay intii Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya eed aan sal iyo raad toona lahayn ku eedeyn lahaa inuu iskuuga yeero Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caalimsan ka dibna usheego inay tusiyaan meesha ka qaldan khudbadii uu ka jeediyay dalka Jarmalka.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in haba yaraatee dowladda federaalka Soomaaliya wax lug ah ku layan hadalkii Sheekh Xasan Daahir Aweys uu jeediyay kaliya Cabdiraxmaan looga fadhiyo inuu iska beriyeelo eeda Culimada usoo jeediyeen ee ah inuu dafiray jiritaanka Axaadiista ka sugnaatay NNH Alle ha yeele Muxamed Caleehi Salaatu Wasalaam.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u sheegay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame intii meel cidlo ah ku xaxagan lahaa madaxda dowladda Soomaaliya oo aan ka hadal arimihiisa inuu meel iska saaro arimaha diinta ee Culimada Soomaaliyeed ay ku haystaan haddii dambiga lagu haysto uu galanay ka towbad keeno haddii uusan wax qalad ah gelina iska beriyeelo laakiin cid aan waxba udhimin uu ku kormeereysto laga fiican yahay.

Wasiir Maareeye oo soo hadal qaaday Maxbuus Xasan Daahir Aweys iyo muuqaalkii Fatwada ahaa ee siyaasiga uu ku gaaleesiiyay sida ay ku dhacday ayaa wuxuu sheegay in Sheekha uu xaq uleeyahay in Taleefon uu hasto ka dibna markii uu u arkay in Diintiisa lagu xadgudbay uu ka hadlay laakiin dowladda federaalka Soomaaliya innaba hayaraatee wax lug ah ku lahayn waxana kala socon hadalka uu jeediyay Sheekh Xasan Daahir.

Arinta hadda taagan ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa ka falceliyay Culimo farabadan sida kuwa Ahlusunna iyo Culimada kale ee Soomalaiyeed iyagoo dhamaan isku aragti ka istaagay hadalkii uu jeediyay siyaasiga kuna tilmaamay in Cabdiraxmaan Cabdushakuur Warsame uu ku xadgudbay Diinta suuban ee Islaamka.

Dhamaan Culimada Soomaaliya ayaa siyaasiga ka codsaday in towbada Alle aqbal tahay oo furan tahay kana towbad keeno qaladkii Diinta uu ka galay haddii uu sidaas yeeliwaayana Xukunkiisa noqonayo dil sharci ah oo ku salaysan Diinta Islaamka sida Culimada Soomaaliya ay u jeediyeen Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.