Wasiir Cawad oo nuqul ka mid ah warqadaha Aqoonsiga Danjirannimo ka Guddoomay Safiirka Japan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ee Safiirka cusub ee Japan u qaabilsanaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ryoichi Horie.

Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay Safiirka Japan, isagoo u rajeeyay in uu ka soo dhalaalo howlaha loo igmaday si uu sare ugu qaado xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.