Wasiir Beyle Oo Shir Gudoomiyay kulanka Billaha ah ee Maamul wanaaga Maaliyadda

wasiirka Maaliyada XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta waxa uu shir gudoomiyay kulanka Billaha ah ee Maamul wanaaga Maaliyadda ‘FGC’.

wasiirka Beyle  ayaa kawarbixiyay waxa looga hadlay kulankaas waxa uuna yiri” Waxaan maanta shir gudoomiyay kulanka Billaha ah ee Maamul wanaaga Maaliyadda ‘FGC’.

Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan ka qeyb galayaasha shirka sida World Bank, IMF, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, Wasiirka Badroolka iyo Labada Xafiis ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

Waxaa naga go’an dhamaanteen inaan si wadajir ah uga shaqeyno horumarinta Maaliyadda Dalka.