Wasiir Bayle oo Shir Dhacay Faah Faahiyay

Wasiirka maaliyada DFS oo kusugan dalka Mareykanka ayaa waxa uu ka warbixiyay shir Uu ka qayb galay waxa uuna yiri” Waxaan maanta ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen wadamada Deeq_bixiyayaasha Soomaaliya oo laaga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha Soomaaliya hogaamintooda wanaagsan ee horumarinta Maaliyadda Dalka iyo guusha dhabbaha deyn-cafinta Soomaaliya.

Madaxdii caalamka ee shirka ka soo qeyb gashay waxay nala qireen in aan guul muhiim ah ka gaarnay horumarinta iyo hufnaanta Maaliyadda Dalka, anagana waxaan balan qaadnay sii wadida dadaalka lagu horumarinayo Maaliyadda Soomaaliya.