Wasiirka maaliyada dowlada federaalka soomaaliya Cabdiraxmaan du’aale bayle oo ku sugan dalka mareekanka ayaa kulamo kula yeeshay dalkas ma’suuliyiin ka dirsan sanduuqa lacagta aduunka
War ka soo baxay xafiiskiisa ayaa uqorna sidan
Waxaan kulamo muhiim ah, misna ay natiijo ka soo baxday la yeeshay madax kala duwan oo ka tirsan Sanduuqa Lacagta Aduunka ee IMF iyo masuuliyiin kale.
Masuuliyiinta IMF waxay nala qireen dadaalka iyo howsha aanu ka qabanay dib-u-habeynta maamulka Maaliyadda iyo sidii aan ugu dadaalnay in aan ka soo baxno shuruudihii ugu muhiimsanaa ee Baraamish ka deyn-cafinta Soomaaliya ee SMP.
Waxaan cadeynayaa in hadafka ugu weyn iyo ujeedkeenuba uu yahay ka miro-dhalinta in aan ku guuleysano deyn-cafis iyo Maalgalin ay hesho Soomaaliya.
Kulankaan ayaa imaanaya Xili soomaaliya ay ku talo jirto iny laga cafiyo deemaha lagu leeyahay.