Wararkii ugu danbeeyay ee Magaalada dhuusamareeb iyo Ammanka Magaalada Oo Si Wayn loo adkeeyay

Waxaa isa soo taraya wararka maanta laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud oo laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Ciidanka Ahlu suna ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq ay ku doonayaan iney guud ahaan uga baxaan magaalada Dhuusamareeb,iyadoo inta badan ciidanka ay ka baxeen xarumaha muhiimka ah ee magaalada.

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa sidoo kale ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala Magaalada Dhuusamareeb,waxana hoggaanka Sare ee Ahlusunna ay xilligaan ku sugan yihiin Xarunta Inji ee Magaalada dhuusamareeb.