Warar Dheeraad ah oo ka Soo baxaya Dilkii Taliyihii Ciidamada Gorgor

Taliyihii Ururka Gorgor ee ciidanka milateriga Soomaaliya horayna uga tirsanaa saraakiisha ilaalada Madaxtooyada ayaa xalay lagu dilay gudaha magaalada muqdisho isaga iyo askari ka tirsanaa ilaaladiisa

Dilka taliyaha iyo askariga ka tirsanaa ilaaladiisa ayaa yimid, kadib markii ay rasaas ku fureen ciidanka ilaalada Hotelka Naasa-hablood balse hadda loo badalay magaca Maa’ida

War ka soo baxay taliska ciidanka booliska ayaa sheegay in gacanta lagu digay ciidankii ku sugnaa barta kontroolka ee Hoteelka Nasa-hablood oo ah halka uu falka dilka taliyihii Ururka gorgor iyo askari ilaala u ahaa ka dhacay

Askartaan ayaa Rasaas ku Furtay gaari uu Saarnaa Taliyaha Ciidanka Gorgor, Waxaana uu u Geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Rasaasta Lagu furay.

Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sakiyo Xuseen Axmed ayaa xaqiijisay in dhammaan la xiray Ciidankii ku sugnaa Kontoroolka uu dhibku ka dhacay, islamarkaana hadda ay ku socdaan baaritaano.

Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxaadeey Saleebaan Eebakar waxa uuna kamid ahaa taliyaashii hogaaminaayay howlgalkii  Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.