War degdag ah: Sadax Ruux ayaa lagu Dilay Muqdisho

Goordhaweyd ayaa Sadax ruux waxaa  lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Xamar jajab.

Sadaxda ruux ee la dilay ayaa la sheegay in ay ku socdeen Mooto labo lugaaleey ah nooca loo yaqaan vecon iyagoo xiligaa dhexmarayey buunda labaad oo ay saxmad dhanka gawaarida waaweyn ay ka jirtay.

Dableeyda dishay ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen koox ku socotay mooto bajaaj iyadoo la sheegay rasaasta lagu dilay in aan dhawaqeeda la maqal.

Ragan la dilay ayaa la sheegeen in ay ka tirsan yihiin ciidamada dharadka Dowlada, dhanka kale dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay ku dhex carareen.