Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hor ee Soomaaliya Sheekh Shariif Oo Maanta Ku Wajahan Baladweyn

Wafdi uu haggaaminayo madaxweynihii hore ee soomaaliya ahna hoggaamiyaha madasha xisbiyada qaran sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta ku wajahan magaalada baladweyne,halkaasoo oo ay dadka fatahaaduhu Saameeyeen Gaarsiin doonan Gargaar

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xalay kulan ku yeeshay  Magaalada Muqdisho ku magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha, iyadoo gargaar ka socda Madasha oo loogu tala galay dadka ku barakacay fatahaadaha la geyn doono deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaamin doona wafdiga, waxaana ka qayb ah madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu kujiro Madaxweyne Xassan Sheekh Mohamud.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay inay qeyb ka yihiin dadaalada loogu gurmanayo dadka ku barakacay fatahaadaha wabiyada shabeelle iyo jubba