Wafdi Ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo u Amba baxay Jowhar iyo Mahadaay

Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran, uu hoggaaminayo Gud. Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa saakay ku sii jeeda gobolka Sh/dhexe gaar ahaan deegaannadi ay Fatahaaduhu ka dhaceen ee Jowhar, Mahadaay iyo deegaanno kale.

Wafdiga waxaa qayb ka ah masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Himilo Qaran, UPD, Horusocod Qaran iyo Kulan.

Hogaamiyasha xisbiyada dalka kajira ayaa Mudooyinkii Danbe Waday dadaalo ay ugu Gurmanayeen dadkii ay saameeyeen fataahada dalka ka dhacay.