Turkiga Oo Kasoo Baxay Doorkiisa Samatabixinta Dadka ay fatahaadaha Saameeyeen Ee Beledweyn

Turkiga ayaa ugu deeqay gar-gaar bini’aadannimo  kumanaan qof oo soomali ah oo ka barakacay fatahaadihii dalka ka  dhacay bilihii la soo dhaafay.  war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Turkiga ee soomaaliya ayaa lagu yiri “Turkiga waxay  gaarsiiyeen gargaar bini’aadannimo dadka ku tabaaleysan fatahaada baledweyne.

Baayanka ayaa sido kale lagu xusay in ku dhawaad 250 tan oo sahay ah la gaarsiiyey 35,000 oo qof oo barakacayaal ah iyo in Turkiga had iyo jeer safka hore ugu jira caawinta Soomaliya.

Waxaa sido kale  fatahaadaan bayaan ka so saaray  ha’adaha samafalka ee qaramada Midoobay ayagoo ku baaqay $72.5 milyan oo doolar si loo hirgaliyo howlaha samafalka laga bilaabo Noofembar 2019  ilaa janaayo 2020 waa sida lagu xusay bayaan ay soo saartay qaramada midoobay .Aadam Cabdul Mowla ,iskuduwaha arrimaha bini aadamnimada  qaramada midoobay  u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay in deeq-bixiyaasha, dowladda federalka ee Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka  ay yeeshaan dood culus oo ku saabsan wax ka qabashada ka hortaga Musiibooyinka.