Taliyaha Saldhiga Bartamaha Magaalada Gaalkacyo oo Faahfaahin Ka bixiyay Qarax Saaka Gaarigiisa Loogu xiray

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyaha saldhiga bartamaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland Cabdiqani Jaamac Axmed (Xabuun) Qarax loogu xiray gaarigiisa

Taliyaha ayaa sheegay in saaka isagoo u socda shaqadiisa uu arkay gaarigiisa uu guriga u dhax yaallay oo qarax loogu xiray kadibna uu xaaskii iyo carruurtii ka daad-gureeyay guriga si aysan dhibaato uga soo gaarin haddii gaarigu qarxo, balse uu gaariga qarxay waxyar kadib markii dhammaan dadkii guriga laga saaray inkastoo aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan qaraxaasi haddana wuxuu tilmaamay in gaariga qarxay iyo qeybo kamid ah guriga burbur uu soo gaaray.