Dhageyso:- Taliska Booliiska Degmada Afgooye oo Faah faahin ka bixiyay Nabadoon Halkas lagu dilay

Cabdiqadir Usmaan Mursal Taliyaha Booliiska Afgooye oo wareysi siinayay Idaacada Danan ayaa sheegay in baaritaano ay ka sameeyeen afgooye xalay ilaa saaka ay ku soo Qab qabteen Rag loogu shakisan yahay dilkii xalay loogu geystay Nabadoon Ibraahim Maxamed oo Caan ka ahaa degmada afgooye

Sido kale Nabadoonka ayaa kamid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda Kuufur Galbeed

Taliyaha ayaa intaas ku daray in wali ay socdaan baaritaanada wixii ka soo baxana ay  warbaaxinta dib uga Soo Socodsiin doonaan

Hoos Ka dhageyso Wareysiga taliyaha