Soomaaliya Oo Kaalinta 30-aad kagashay Wadamada Saxiixay Heshiiska Barakacaaysha

Madaxweyna soomaliya Maxamed Cabdullahi Mohamed farmajo ayaa qalinka ku duugay heshiis lagu ilaalinayo dadka gudaha ku barakacay ee qaarada Afrika kadib markii ay Golaha baarlamaanka Somaliya ay cod caqlabiyad leh ku an sixiyeen heshiiskaas isbuucii aynu  soo dhaafnay .

heshiiskaan oo loo yaqaano kampala convention  oo ay  xubin ka yihiin  55 Wadan oo ka tirsan wadamada qaarada Afrika oo soomaliyana ka gashay kaalinta 30-aad  ayaa ah mid wax looga qabanayo  amaanka ,fayadhowrka ,macluusha iyo rabshadaha ku saleysan jinsiga ee soo food saara wadamada xubinta ka ah heshiskaan.

hay’ada qarama midoobay uu qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa so dhaweysay ansixinta iyo saxiixa heshiskaan ,wakiilka UNHCR ee Somaliya johann siffointe ayaa sheegay in talabadan ay qaaday dowladda Somaliya ay tahay mid wax looga qabanayo barakaca yaasha dadka u nugul ee ku nool soomaliya iyo sidii xal waara looga gaari lahaa.

“Maanta soomaliya waxay mudantahay in lagu daysado waa tusaale wanagsan  UNHCRna waxay ku hanweyn tahay  inay sii xoojiso taageerada ay siiso dowladda si ay u fuliso waajibadka heshiiska “ ayuu yiri wakiilka UNHCR ee Somaliya.

Somaliya ayaa ah wadanka afaraad ee aduunka ugu badanka dadka ku barakaca gudaha .waxa lagu qiyaasiay dadka gudaha ku barakacay 2.6 milyan oo qof .

Barakacayaasha soomaliyeed ayaa ka dhowr sugaya wuxu heeshiskan ku soo kordhin karo xaalada dadka xun oo ay wajahayaan dadka ku barakacay Somaliya.