Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ka Hadlay dib usoo celinta taallooyinka halgamayaashii dalka soo maray
Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa sheegay in aysan is qabaneenin Taalada halgame dhintay Sayid Maxamed Xasan loo taago halka halgame nool qalibi dhagax loogu dhiibay itoobiya oo markii dambe sii deysay
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook Qoraal uu soo dhgay Udhignaa Sidatan
“Halgamayaasha waxaa lagu xusuutaa halganka ay u galeen xaqiijinta himilo ummadeed ama halista ay ka badbaadiyeen qaranka. Waxaa isku kay qaban waayey taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) ayaan taagayaa, halgame noolna (Qalbi-dhagax) waan gacan gelinayaa. Shacabka Soomaaliyeed waxay madaxweynaha rumaysan lahaayeen, raad xusuusna ku reebi lahayd, haddii uu hortooda ka qiro in dhiibistii Qalbi-dhagax ay ahayd gaboodfal laga galay halganka iyo halgamayaasha uu maanta taalooyinkooda taagay”