Siyaasiga Cabdiraxmaan CC Warsame oo dowladda ku eedeeyay inay ka dambeyso Maxbuuskii isaga Diinta ka saaray

Ka dib markii Sheekh Xasan Daahir Awey oo ka mid ah Culimada Soomaaliya una xiran dowladda federaalka Soomaaliya uu diinta Islaamka ka saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ka dib markii siyaasiga uu sheegay in Culimada Soomaaliya Xadiisyo been ah oo waxba ka jirin dumarka ugu hor istaagaan doorka siyaasadda ayaa wuxuu sheegay in dowladda arinkaas ka dambayso kuna amartay maxbuus Xasan Daahir in asaga gaaleysiiyo.

Siyaasiga ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Daahir Aweys oo xabi ku jira u soo adeegsatay in gaalnimo lagu xukmiyo lagana saaro Diinta Islaamka iyadoo Cabdiraxmaan arin lala yaabo ku tilmaamay in shaqsi dambiile ah oo xabsi ku jira Fatwo ka soo saaro hadalkiisii ka dibna ku baaqo inuu ka toobad keeno haddii uu diidana dil lagu xukumo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu sheegay in innaba caadi ahayn in Maxbuus awood uhelo in muuqaal iska duubo ka dibna uu Fatwo ka soo saaro hadalkii uu ka jeediyay dalka Germany ka dibna uu ku Fatwoodo in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu gaaloobay kuna baaqo dil ama towbad keen.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku eedeeyay in wax walba oo culimada asaga gaaleysiisay sheegeen ay dhaqaalo ku bixisay si asaga loo dilo ama dhiigiisa sifo sharcidaro ah loo banaysto iyadoo hadalkiisa intaas uu ku daray inaysan haba yaraatee jirin Xadiisyo uu beeniyay laakiin la siyaasadeeyay hadalkii uu ujeediyay Jaaliyadda Soomaaliya ee dalka Germany ee ku aadanaa doorka Haweenka ee dhanka siyaasadda iyo in Culimada Soomaaliya Axaadiis Faalso ah iyo Kitaabo been ah oo aan waxba ka jirin ugu diidaan Dumarka doorka ee dhanka siyaasadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu dambayn sheegay in Xasan Daahir Aweys uu yahay gacan ku dhiigle laayay dadbadan oo Soomaaliyeed kuna laayay sifo sharciga aan waafaqsanayn sidoo kale uu yahay aragagixiso naxariis laawe ah haddana Dowladda Soomaaliya usoo adeegsatay si bulshada looga hor keeno ama loo nacsiiyo.

Siyaasigan oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan kuwo kale oo isku mab’da yihiin Xasan Daahir asaga ku tilmaameen inuu diinta ka baxay oo gaaloobay arimahaasi oo dhana ay ka dambayso Dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo Nairobi dib ugu laabtay asagana ka hadlay arintan ka dhax taagan Culimada iyo siyaasiga uu gaalnimo cad ku sheegay hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasigan Culimada qaarkeed ay gaaleysiiyeen ayaa wuxuu sheegay in Culimada diinta ka saartay mid mid ugu soo hadli doono taariikh nololeedkooda iyo inta dambi ee ay ka galeen umadda Soomaaliyeed si bulshada ufahmaan.

“Dawlada Farmaajo Fatwo la yiraahdo “codkaada ku cibaadayso” oo Ictisaam ayaa lagu keenay, haatana waxaa la rabaa in Fatwa Ictisaam lagu difaaco. Fahad Yaasiin, Ummal, Daahir ka Boosaaso ka qaylinay, Bashiir Salaad, Calawa Jiis, waa col isku xiran. Taariikhdooda si furan ayaan dadka ugu soo bandhigi doonaa”ayuu ku soo qoray bartiisa Facebook.

Si kastaba ha ahaatee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa haysta Culimada Soomaaliya ee ku kala nool dalka iyo dibadiisa iyadoo Masaajida Soomaaliya inta ugu badan maanta Khudbadaha lagu soo qaatay hadalkii uu ka jeediyay dalka Jarmalka ee ku saabsanaa xuquuqda Dumarka iyo diinta iyadoo Culimadii Khudbadaha maanta ka akhriyay Masaajidda Siyaasiga ka dalbaday inuu ka toobad keeno qaladkii ka galay Diinta Islaamka.

Masaajiddo ku yaala Muqdisho,Boosaaso,Garowe iyo Baydhabo ayaa maanta oo Jimco ah Khudbadihii Jimcaha lagu soo qaatay hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee uu ka jeediyay dalka Germany.