Shirkii madasha Muqdiaho oo la soo gaba gabeeyay(Akhriso)

Maalintii talaadada ee shalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Madasha wadatashiga ee arimaha Soomaaliya iyadoo markiisii ugu horaysay lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana ka qaybgalay wadamo farabadan oo caalamka qeebahiisa kala duwan ka socday islamarkaana iskuuga jiray wadamada Carbeed iyo reer Galbeedka intuba.

Shirkan oo markii hore lagu qabanjiray dalka Belgium-ka gaar ahaan caacumadiisa ee Brussels ayaa waxaa sannadkan lagu qabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaana looga hadlayay arimaha amniga,dhaqaalaha,siyaasada loo dhan yahay,Caafumaadka,waxbarashada,Faya dhowrka deegaanka,Biyaha iyo doorashooyinka Soomaaliya ee 2021 iyo 2022-ka ee lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo doorashada qof iyo Cod ah.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay Maamulada hoos yimaada dowladda federaalka Soomaaliya ee kala ah Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyadoo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish uu qayb ka ahaa martidii lagu casuumay shirka.

Dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya waxaa shalay Shirkaasi furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed Khadar waxaana maanta soo xiray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxaana laga soo saaray Warmurtiyees qeexaya waxyaabihii shirkaas lagu falanqeeyay.

Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedka Shirka.

Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamku waxay 1dii iyo 2dii bishan Octoobar 2019 kulan ku qaateen magaalada Muqdisho kulankaasoo ka mid ahaa kulamadii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka.

Ka soo qeybgalayaasha waxay aad uga hadleen horumarkii la sameeyay tan iyo kulankii ugu dambeeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee dhacay bishii Luulyo 2018 oo la isku raacay in si wadajir ah loo qaado tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu abbaarayo caqabadaha harsan.

Saaxiibada Caalamka waxa ay qireen waxqabadka ay sameeyeen Soomaalidu, waxayna madaxda Soomaalida ku bogaadiyeen horumarkii weynaa ay ka sameeyeen dib u habeynta iyo kor u qaadista Maareynta Maaliyada Dowladda iyo kobcinta dakhliga canshuuraha, wada-tashigii laga sameeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka, dib u habeyntii ballaarneyd ee laga sameeyay Amniga, guulihii laga gaaray howlgalladii dib u xureynta iyo xasilinta goobihii gacanta ugu jiray alshabaab, kor u qaadistii lagu sameeyay adeegyada bulshada iyo hormarkii laga gaaray dib u heshiisiinta meelaha qaarkood.

Sidaa soo kale waxaa harsan dhowr caqabadood oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo shaqa abuurka, kobcinta dhaqaalaha, sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo u gurmashada dhibaatoyinka banii’aadam nimada, u diyaargarowga iyo u adkeysiga musiibooyinka sameynta dhidhibada siyaasad loo dhanyahay xoojinta ixitraamka xuquuqul insaanka, ka qeyb gelinta iyo matalaadda howeenka iyo beelaha laga tirada badanyahay.

Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka waxay isku raaceen hannaanka la xisaabtan loo wada dhanyahay oo lagu soo koobayo si wadajir ahna diiradda lagu saarayo meelaha mudnaanta u leh tallaabada la rabo in la qaado iyo dhaqaalaha lagu qabanayo si loo xaqiijiyo mudnaanta lafdhabarka u ah natiijooyinka loo baahan yahay in la gaaro ka hor Bisha Diseembar 2020.

1-Saaxiibada caalamku waxay hoos ka xariiqeen, marka laga reebo horumarka laga gaaray ahmiyado dhowr ah in la xoojiyo wadashaqeynta dhanka siyaasadda ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka mid Dowlad Goboleedyada madaxda Soomaalidu waxa ay isku raacday ahmiyadda gaarka ah ay leedahay wadashaqeyntaas si horumar looga gaaro arrimaha siyaasadda, arrimaha amniga, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo in ay arrimahaas u baahanyihiin ka go’naansho adag ee madaxda labada dhan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

2-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si guul ah ku soo afjarto howlgallada amniga ee socda, in ay qaaddo howlgallo kale oo ka dhan ah Alshabaab iyo in ay dhammeystirto dib u habeynta mudnaanta u leh amniga, caddaaladda iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha. Iyadoo diiradda lagu hayo arrimaha kor ku xusan ayaa 2020 si wadajir ah la iskula aqoonsanayaa loona qorsheynayaa, si loo xaqiijiyo in dhammaan qeybaha ku shaqada leh ay mideeyaan dadaalladooda iyo dhaqaalaha ay haystaan inay ku bixiyaan meelihii lagu heshiiyay saaxiibada Caalamka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay taageeraan sidii loo heli lahaa ciidammo amni oo u hoggaansan dhowrista xuquuqda aadanaha taas oo ay ka mid tahay xuquuqda dadku u leeyihiin helista caddaalad, kana shaqeeyaan xaslinta goobaha dhowaan laga xoreeyay argagixisada, iyo geeddi socodka dib u haybenta shaqaalaha iyo hagaajinta habka mushaar bixinta ciidammada.

Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamku waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan qaadista tallaabooyin dheeri ah oo lagu xaqiijinayo xaalad kala guur oo xasilloon oo ay AMISOM arrimaha amniga dalka ugu wareejineyso Ciidammada Amniga Soomaaliya sidoo kale waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin wada jir ah oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo geeddi socodka doorashooyinka federaalka iyo xoojinta amniga caasimadda.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso halbeegyada barnaamijka deyn cafinta ee hay’adda lacagta adduunka ( SMP4) iyadoo saaxiibbda caalamkana ay ka go’an tahay in ay si firfircoon uga taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii ay u xaqiijin lahayd halbeegyadaas; iyadoo lagu dul dhisayo guulaha la gaaray iyo in la qaado talalabooyinka lagama maarmaanka ah, si loogu diyaar garoobo go’aannada muhiimka ah ee 2020 ee la xiriira deyn cafinta waddammada saboolka ah saaxiibbada caalamku waxa ay soo dhoweeyeen kulan howleedkii Addis Ababa ee ku saabsanaa geeddi socodka deyn cafinta, waxa ayna ku dhiirri geliyeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan dadaalladooda heerka siyaasadeed, si loo xoojiyo loona horumariyo hannaanka maaliyeed ee heerarka kala duwan ee dowladda.

Si loo xaqiijiyo in dowladda Soomaaliya ay qabato doorasho qof iyo cod ah dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021 waxaa ka go’an hay’daha fulinta iyo xeer dejinta dalka in ay meel mariyaan sharciga doorashooyinka bisha December 2019.

Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dhammeystirto dib u eegista dastuurka bisha June 2020, ansixinta dastuurka ka dib marka wax ka baddelis lagu sameeyo, in la dhiso Maxkamadda dastuuriga ah iyo Golaha Adeegga Garsoorka, sii wadista geeddi socodka dhab-u heshiinta Qaranka, iyo xaqiijinta ka qeybgalka dhammaan qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin haweenku gaarista go’aannada siyaasadeed ee dalka saaxiibbada caalamku waxa ay oggolaadeen in la dhiirri geliyo wada xaajoodka, ka qeybgalka siyaasadda iyo urururta dhaqaale dowladdu ku maalgeliso ansixinta shuruucda hortabinta leh si loo taageero howlaha la soo sheegay, iyo in laga caawiyo Soomaalia in howlahaasi ku qabsoomaan xilliyadii loo qorsheeyay.

3-Soomaaliya waxaa ka go’an in ay mudnaanta koowad siiso xoojinta dhallinayarada iyo in loo abuuro fursado shaqooyin. Iyadoo la dhisayo u adkeysiga, loona marayo badbaadinta bulshada, in loo helo xal waara arrimaha qaxootiga, dadka waddanka dib ugu noqonaya iyo barakacayaasha gudaha, iyadoo la xushmeynayo, mabaadi’da bani’aadamnimada iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha; iyo in la kordhiyo adeegga bulshada taas oo noqonaysa in si wanaagsan isula jaanqaadaan taageeridda arimaha horumarinta mudnaanta la siinayo qorshaha horumarinta qaran ee 9aad, xoojinta awoodda dowladda si ay u bixiso adeegyada bulshada, si kor loogu qaado awoodda baniaadmnimo, gaar ahaan in la buuxiyo, inta ka dhiman kaalmada qorshaha baahida bani’aadamnimada ee 2019.

Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka waxaa ay isku raaceen in si wadajir ah ay wax uga qabtaan maareynta biyaha, horumarinta shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, is-dhexgalka ganacsiga gobolka, iyo hagaajinta kaabayaasha adeegyada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku talo jirtaa in sameyso, siyaasad qaran oo lagu xallinayo is-beddelka cimilada iyo in ay sameyso shuruuc dhiirrigalineysa shaqo abuur .

Soomaaliya waxaa ay sameysay horumar sanooyinkii la soo dhaafay taas oo ay mahadeeda leedahay iskaashigii xoogannaa ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka. Waxaa ay isku raaceen in ay xaqiijiyaan isna waafajiyaan dadaalladooda, iyada oo kor loo qaadayo isticmaalka nidaamyada dalka, in la meelmariyo lana hirgaliyo, hannaanka sharciga qaranka ee lagu maamulayo hey’adaha qaranka iyo hey’adaha caalamiga ah, taas oo ay ku jiraan in loo sameeyo shuruuc badbaadineysa hey’adaha aan dowliga aheyn, iyo sidoo kale in lagu daro, dastruurka ku meel gaarka ah iyo sharciga xuquuqal aadanaha, iyo in hey’adaha aan dowliga aheyn ay ku dhaqmaan shuruucda dalka.

Madashu waxaa ay xaqiijineysaa ballanqaadyada dhammaan ka qeybgalayaasha madasha iskaashiga saaxiibada caalamka iyo mabaad’ida ku saleysan hanaanka isla xisaabtan loo wada dhanyahay si kor loogu qaado dadaallada wada-jira ee ku aadan mustqabalka ifaya ee Soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha madashu waxaa ay bogaadiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dalalka ugu yaboohay ciidamada AMISOM sida geesinimda leh naftooda ugu huray soo celinta nabada Soomaaliya, Soomaaliya waxaa ay caddeyneysaa in ay Sharaf iyo qadarin u heyso dhammaan saaxiibada caalamka ee taageerada kula garab istaagay dib u dhiska dowladnimada, horumarka xasiloonida si ay ugu naaloodaan dhaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhamaad.