Shiikh Shariif oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Dowladii Kumeelgaarka aheyd iyo qaar kamida masuuliyiinta xisbiga Himilo ayaa la kulmay wiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Shiikh Shariif ayaa sheegay in ay kawada hadleen caqabadaha siyaasadeed ee jira iyo aragtida xisbiga Himilo Qaran ee ah sarreynta sharciga, Soomaaliya oo is wadata, wadatashata, gacmahana isku qabsata.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xili la filayo Madaxweynihii hore Shiikh Shariif in uu gaaro Kismaayo taasoo horey looga hor istaagay.