Sheekh Shaakir oo soo saaray habraaca Doorashada Galmudug

Guddigii Doorashada iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug ee uu Magacaabay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa soo saaray habraaca Doorashada Galmudug.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxa xukuumadda galmudug ayaa lagu sheegay in Odayaasha dhaqanka ay soo xuli doonaan 54 xubnood halka Madaxa Ahlusunna uu soo xuli doono 35 Xildhibaan.

Guddiga ayaa sheegay in lagu saleysan doono xubnaha baarlamaanka Galmudug midkii Cadaado ee 89 Mudane ahaa.

Guddiga ayaa faray dhinacyada soo xulaya Xildhibaanada inay xaqiijiyan qoondada Dumarka iyo Awood qeybsiga beelaha  degan Galmudug.