Shaqaalaha Qaramada midoobay ee Soomaaliya oo Tacsi diray

Shaqaalaha Qaramada midoobay ee Soomaaliya qeybahooda kala duwan ayaa Tacsi u diray umada Soomaaliyeed iyadoo tacsidu ay u qorneyd sidan.

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay dhammaan Soomaalida la qeybsanayaan murugada ka dhalatay geeridii Almaas Elman oo shalay Muqdisho ku dhimatay, waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskeeda.

Almaas Elman ayaa lagu dhex dilay gudaha Xarunta Amisom iyo Qaramada midoobay ee Xalane halkaasoo ah meel amnigeeda aad loo ilaaliyo.