Muxamed binu cabdulaahi binu cabdul mudalib wuxuu ku dhashay magaalada barakeysan ee maka al mukaramah,sanadku hijriyadu markuu ahaa 507,kuna beegneyd sanadkii loo yaqiin caamu fiil .
Nabdi muxamed scw wuxuu ahaa sayidkii ilaahyey subxaanuhu watacaalaa koonkan usoo diray wuxuu kaloo ahaa qaatamu nabiyah ama nabigii u dambeeyay ee umadaan muxamediyada loo soo diro.
Dhalasadiisiiba scw muxumed wuxuu ahaa mid lasoo baxay mucjisooyin waaweyn oo ay ka mid aheyd soo daadashadii ay soo daaden asnaamtii ku hareereyseed kacbada oo ay caabudi jireen kufaartii qureysh sidoo kale dabkii aan waligiisa dami jirin oo habeenkii uu dhashay suubanaheena csw damay .
Maxamed binu cabdulaahi aabihiis waxa uu dhintay isaga oo caloosha hooyadiis ku jira marka uu dhashayna waxaa noloshiisa kafaala qaaday awoowgiis cabdul mudalib maadaamqisooyinkii ugua uu ahaa agoon.
Sidii dhaqankii carabta waagaa caadada u ahaa Muxmed CSW waxaa loo dhiibay si ay u Nuujiso Xaliima Sacdiya oo ka mid ahayd Haweenkii degganaa Maka Banaankeeda ama Baadiyaheeda iyadoo Haweenku Magaalada u soo aadi jireen si ay Baadiyaha ugu wadaan Ilmaha ku dhasha Magaalada oo dhaqan ahaan ay aaminsanaayeen in Ilmaha Baadiyaha ku bar baara ay ka adkaysi badan yihiin kuwa Magaalada ku dhasha.
Mucjisaadkii ay Xaliima Sacdiya ku aragtay wiilkaa yer ee loo keenay waxaa ka mid ahaa Neef Ari ah oo ay lahayd oo aad u Caana yaraa markii danbana Caanihiisa meel la kala geeyo la waayay, sidoo kalena Mucjisadii ay Wiilka yer ay ku aragtay waxaa ka mid ahaa inuu Hal Naas oo keliya uu nuugi jiray kan kale haddii loo dhigana uu iska diidi jiray sababtaas oo lagu macneeyay inuu u reebi jiray ama u dhaafi jiray Wiilka kale ee Xaliima Sacdiya ay dhashay oo ay Naaska kale isagana nuugi jiray. Qisooyinkii kale ee Mucjisaadka ahaa ee Nabiyuna Muxamed intii uu Caruurta ahaa lagu arkay waxaa ka mid ahaa waliba Xiligii uu ku sugnaa Baadiyaha Maalin Maalmaha ka mid ah isagoo Caruurtii da’diisa ahayd la ciyaaraya in ay u yimaadeen laba Mala goo markaa Suurad Binu’aadanimo lahaa kuwaasoo inta Wiilkii yaraa ee Muxamed ahaa inta qabteen Laabtiisa kala dhambalay kaddibna ka soo saaray Cad Hilib ah.
Ciyaalkii ayaa markii ay arkeen arrintaa Argagaxa leh waxay ku ordeen Gurigii Xaliima Sacdiya, waxayna u sheegeen wixii ay arkeen iyaduna maba sii hakane waxay deg deg ugu soo dhaqaaqday halkii ay Ciyaalku ku ciyaarayeen, waxayna soo dul joogsatay Wiilkii yaraa oo iska caadiyah waxa ayna baaris ugu dhaqaaqday jirkiisa nasiib wanaagse ayanan ku arag wax dhaawac ah.
Si kastaba taakhada nabi muxamed csw oo aan qormo Kaliyah kusoo koobi Karin waxaa inagaga filan ixtifaalaadka iyo munaasabadaha maanta oo bisha mowliid ay tahay 12 looga sameynayo caalamka islaamka gaar ahaana gobolo badan oo ka mid ah dalkeena .
Ugu dambeyntiina hadaa nahay umada soomaaliyeed waxaa nala gudboon in aan weyneyno xuska dhalashada nabigeena scw isna farno sunadiisa wanaagsaneyd iyo akhlaaqaadkiisii