Ra’iisul wasaare Khayre oo safar dheer ka dib yimid Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo caawa dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib safarradii shaqo ee wadamada Faransiiska, Belgium iyo Qatar uu ku soo kala bixiyay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay kulanka sanadlaha ah ee madasha nabada ee ka dhacay Magaalada Paris ayaa waxuu halkaas kulamo kula qaatay wasiirrada arrimaha dibadda.

Faransiiska,Netherland,Ruushka,Filand,Dr Bandar Hajjar Madaxweynaha bangiga horumarinta Islaamka iyo Xoghayaha arimaha dibadda ee Sweden iyagoo ka wada hadlay arimaha Soomaaliya dhanka iskaashiga,dhanka kale Ra’iisul wasaaraha intii uu ku sugnaa Paris wuxuu booqday safaaradda Soomaaliyeed ee ku taala magaalada Paris waxuuna ballan qaaday in dowladda dib udayactir iyo horumarinba ku sameyneyso dhismaha safaaradda iyo hoyga safiirka.

Dhammaan mas’uuliyiinta uu kulamada la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu kala hadlay xoojinta xariirka dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya,arrimaha deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dowladda,dalka ay ka waddo.

Xasan Cali Khayre ayaa Faransiiska uga sii safray Belgium waxuuna magaalada Brussels kulamo kula qaatay gudoomiyaha gudiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah iyo Madaxweyne ku xigeenka midowga Yurub waxayna ka wada hadleen xariirka ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya,nabadda,amniga,horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo safarkiisa oo qaatay 10 cisho ayaa ugu dambayn kusoo gebagebeeyay dalka Qatar isagoo kulan la qaatay amiirka Qatar Amiir Tamim bin Hamad Al Than kulankaas oo ka dhacay caasimada Qatar ee Magaalada Dooxa kula qaatay waxay kulankooda uga hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood ka dhexeeya.