Boris Johnson, Ra,iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 2 qof dhowr kalane lagu dhawaacay oo ka dhacay bundada London uu ahaa ficil argagixiso asagoo dhanka kale sheegay in dadka lagu xukumay dambiyada argagixisada in aan loo oggolaan doonin in laga sii daayo xabsiga waqti hore ka dib markii Khan oo ahaa ninka geystay weerarka oo laga siidayay xabsiga sanadkii hore ka hor dhamaadka xukunkiisa.
Asagoo is miidaamiyay sitana middiyo ayuu cusman khan Galabnimadii jimcaha weerar ku qaaday bundada London taaso uu ku dilay 2 qof tiro kalena ku dhawacaay weerar kaasi oo ay sheegteen kooxda ISIL.