Nin Oday ah Oo lagu Naaneyso Puntland ayaa Caawa lagu Dilay Muqdisho

Nin Oday ah oo lagu naaneyso Puntland ayaa lagu dhex dilay Dukaan Ganacsi oo uga furnaa  furnaa Degmada Dharkiinleey gaar ahaan xaafada Suuq liif.

Nimanka dilay ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen Bistooladleey wadatay Bajaaj iyagoo goobta dilka ay ka geysteen ka baxsaday.

Odayga la dilay ayaa xaafada caan ka ahaa isagoo ka mid ahaan jiray ciidamadii milatariga kuwaa oo laga saaray ciidanimada markii uu xukunka hayey Madaxweynihii hore Xasan shiikh.

Muqdisho caawa waxaa ka dhacay dilal dhowr ah iyadoo mudooyinkan ay aad  hoos ugu dhaceen weerarada lagu fuliyo Bistooladaha