Deprecated: mysql_connect(): The mysql extension is deprecated and will be removed in the future: use mysqli or PDO instead in /home/content/05/13955805/html/news/confolder/xiririye-front.php on line 7
Danan Broadcasting Network
HomeNewsArticlesProgramsSportsVideosAudio
Radio Danan Kala soco Warar sugan Soomaaliya iyo Caalamka. Danan Radio waa Warbaahin Xaqiiqda soo saarta
Guddiga Maaliyadda Barlamanka oo Wasaradda Maaliyadda Ku Amray in la Xayiro Dhaqaalihii ku Bixi Jiray Xafiiska Guddoomiyihii Barlamanka.

Date: 2012-01-03 08:31:50
EmailPrintShareFeedback
Xildhibaan Cusman Xaji Cali oo ka tirsan Guddiga Maliyadda ee Barlamanka Federaalka Soomaliya aya manta baq u diray Wasaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

 

Xildhiban Cusman oo sheegey in uu xubin ka yahay Gudiga Maliyadda ee Barlamanka ayaa sheegey in loo baahan yahay in la joojiyo dhaqaalihii ku bixi jiray Xafiiska Guddoomiyaha Barlamanka gaar ahaana dhaqaalaha loo yaqaano Speco politico.

 

Mudanahn ka tirsan Guddiga maaliyadda ee Barlamanka ayaa sheegey in wixii ka danbeeyay seddax iyo Tobankii bishii Disember ee sanadkan uusan jirin xilka guddoomiyaha Barlamanka oo uu hore u hayay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo uu sheegey in iminka uu yahay xildhibaan caadi ah oo ka tirsan barlamanka.

 

Mudanahan ka tirsan Guddiga maliyadda ee barlamanka aya hoosta ka xarriiqay inuu jiri doono xisaabtan uu gudigaas ku samaynayo dukumintiyada ku aadan dhaqaalaha ku baxa Xafiiska guddoomiyaha isla markaana ayan aqbalayn wixii ka danbeeyay markii xilka laga qaday guddoomiyihii barlamnak dhaqale halkaa ku sii socda.

 

Xildhibaan Cusmaan Xaji Cali ayaa dhinaca kale hadalkii madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaliya ka soo yeeray ku sheegey mid aan sharci ahayn isla markaana uu madaxweynuhu la saftay waa siduu hadalka u dhigaye Guddoomiyihii xilka laga qaaday.

 

Cusman Xaaji Cali ayaa sheegey in wax walba uu ka sarreeyo sharciga isla markaana barlamanku uu yahay Hay’adda ugu sarreysa sida darteedna go’aankooda an la dhayalsan Karin.

 

Hadalkan manta ka soo yeeray mudanahas ka tirsan Baralamanka ayaa waxa uu imaanaya xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku wajahan Guddoomiyaha barlamanka laguna weeydiisanayo in uu ka tanasulo sheegashada uu weli Shariif Xasan sheeganayo Guddoomiyanimada Barlamanka oo sedax iyo Tobankii bishii hore ay xildhibaanada xilkii kaga xayuubiyeen.

 

Source: Danan Radio