Deprecated: mysql_connect(): The mysql extension is deprecated and will be removed in the future: use mysqli or PDO instead in /home/content/05/13955805/html/news/confolder/xiririye-front.php on line 7
Danan Broadcasting Network
HomeNewsArticlesProgramsSportsVideosAudio
Radio Danan Kala soco Warar sugan Soomaaliya iyo Caalamka. Danan Radio waa Warbaahin Xaqiiqda soo saarta
Xaaladda Magaalada Beled Weeyne oo Saaka Deggan iyo Banddow Xalay halkaa ka dhaqan gashay...
Iyadoo maalintii shalay ahayd uu dagaal culusi ka dhacay Magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan...
Date: 2012-01-01 07:59:38
EmailPrintShareFeedback
Iyadoo maalintii shalay ahayd uu dagaal culusi ka dhacay Magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan iyo Nawaaxigeeda ayaa wararkii ugu danbeeyay ee halkaa naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in saakay magaaladu ay tahay mid deggan.

 

Dhaq dhaqaaqii Gaadiidka Ganacsiga iyo adeegyadii kale ayaan weli si rasmi ah u bilaaban maadama ay tahay subaxnimo hore isla markaana ay dadku ka dhul sugayaan sda ay xaaladuhu ahaan doonaan saacadaha soo socda.

 

Shalay shantii galabnimo wixii ka bilaabanayay ayaa halkaa Baandow ay ka bilaaban tay ku eg illaa Lixdii subaxnimo ee saaka taasoo dadkuna ay u hogaansameen shantii galabnimana ay magaalada isaga carraabeen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiyaanka oo wada socda in Xalay ay magaalada Gaaf wareegayeen isla markaana ay kontoroolayeen wax loogu yeeray ammaanka iyo sugiddiisa.

 

Ciidamadii Itoobiyaanka ee soo galay magaalada Beled weeyne ayaa qayb ka mid ah waxa ay u gudubtay sida ay sheegayeen dhinaca Degmada Buulo Burde oo ciidamadii shabaabka ee shalay ka baxay Magaalada Beled weeyne ay u firxadeen.

 

Dhinaca kalena waxaa illaa xalay magaalada dib ugu so noqonayay dadkii shalay subaxnimadii halkaa isaga bara kacay iyadoona la arkayay qoysas Ilmahooda iyo xoolahooda wata oo dib u soo gurya noqonaya.

 

Ciidamada dalwdda ee ku sugan gudaha magaalada Beled weeyne ayaa si wanaagsan ula dhaqmaya dadka magaalada mana jiraan sida ay noo sheegeen dad aanu la xiriirnay wax bililiqo ah  ama boob ah oo gaysteen ciidamadii magaalada soo galay.

 

Si kastaba Xaaladda saka ayaa u muuqanayasa mid aad u deggan isla markaana dhaq dhaqaaqa dadku uu si tartiib tartiib ah u bilaabanyo saacadba saacadda ka danabaysa.

Source: Danan Radio