Deprecated: mysql_connect(): The mysql extension is deprecated and will be removed in the future: use mysqli or PDO instead in /home/content/05/13955805/html/news/confolder/xiririye-front.php on line 7
Danan Broadcasting Network
HomeNewsArticlesProgramsSportsVideosAudio
Radio Danan Kala soco Warar sugan Soomaaliya iyo Caalamka. Danan Radio waa Warbaahin Xaqiiqda soo saarta
Xildhibaanada barlamanka Oo manta La filayo in ay Kulan isugu Yimaadaan xarunta Golaha Shacabka.
Warar laga helay Xildhibaanada Barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa sheegaya in manta la filayo in...
Date: 2011-07-10 01:40:19
EmailPrintShareFeedback
 

Warar laga helay Xildhibaanada Barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa sheegaya in manta la filayo in Mudanayasha barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ay shir isugu yimaadaan Xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

 

Mudanayashan ayaan sheegin ajandhaha sida rasmiga looga hadlayo  iyadoose u badiyay in kulanka manta diiradda lagu saari doono qooboadii ka soo baxay shirkii kanbala oo lagu madlanaa in la hor geeyo Barlamaanka.

 

Xildhibaanada ayaan wax kulan ah isugu imaan tan iyo wixii ka danbeeyay markii la ansixinayay ra’iisul wasaraha xukuumadda ku meel gaarka soomaaliya oo ay isugu yimaadeen mudanayaashii ugu badnaa ee soo xaadira Barlamanka.

 

Mudanayaal ka tirsan Barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa sheegey in ay iyagu hore barlamanka ugu gudbiyeen Mooshino kala duwan oo uu ka mid yahay Mooshin looga soo hor jeedo Guddoomiyaha Barlamanka oo la sheegey inuu isagu caqabad ku yahay hawlaha Barlamanka.

 

Xildhibaanadan ayaa mudaba sugayay in mooshinkaas la hor keeno Barlamanka si looga hadlo in kastoo aan la sii saadaalin Karin n kulanka manta in lagu soo dari doono ajandhahaas iyo in kale.

 

Waxaa iminka soconaya imaatinka xildhibaanada barlamaanka kuwaasoo  soo gaaraya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho iyadoo dhinaca kalena ammaanka goobta si weyn loo adkeynayo.

 

Wixii kulankaas ka soo baxa iyo ajandhayaasha looga hadlaba waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkayaga danbe.

Source: Radio Danan