Deprecated: mysql_connect(): The mysql extension is deprecated and will be removed in the future: use mysqli or PDO instead in /home/content/05/13955805/html/news/confolder/xiririye-front.php on line 7
Danan Broadcasting Network
HomeNewsArticlesProgramsSportsVideosAudio
Radio Danan Kala soco Warar sugan Soomaaliya iyo Caalamka. Danan Radio waa Warbaahin Xaqiiqda soo saarta
Hawl Gal ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kuwa Dooxada Shabeelle ay ka sameeyeen Beled Weeyne oo Dad lagu soo Qab Qabtay...
Tan iyo markii Magaalada Beled Weeyne ee Gobolka Hiiraan ay u gacan gashay Ciidamada Itoobiyaanka ...
Date: 2012-01-03 08:03:51
EmailPrintShareFeedback
 Tan iyo markii Magaalada Beled Weeyne ee Gobolka Hiiraan ay u gacan gashay Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida ah ee la socda waxaa soo kordhayay hawl galada ay ciidamadasi ka samaynayan gudaha magalada Beled weeyne

 

Ciidamadas la wareegay Magaalada beled weeyne ayaa horey u soo rogay Bandow kuwasoo ku sheegay in Baandowgas loola jeedo in lagu xaqiijiyo ammaanka magaalada.

 

Hawl gal ay xalay iyo manta ay ka sameeyeen ciidamadas wada jira gudaha magaalada ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa Toddobo qof oo la sheegay in looga shakisan yahay in ay xiriir la lahaayeen Xarakada Shabab.

 

Todobadan qof ee la soo qabtay aya waxaa iminka ay ku xiran yihiin Sal dhigga dhexe ee magaalada Beled weeyne iyadoona baaritaano lagu samaynayo. Saraakiil u hadashay ciidamada Dooxada Shabeelle aya ugu baaqay dad weynaha ku dhaqan Xaafadaha magaalada in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka sugaya isla markaana ay soo sheegeen ciddii ka tirsaneed ama xiriir la lahayd Maamulkii Xarakada shabaabka ee mudada labada sana ah halkaa ku sugnaa.

 

Horey ayay saraakiisha Maamulka Dooxada Shabeelle ay u sheegeen in ay baaritaano ka samaynayaan gudaha magaaladasi isla markaana ay xarakada Shabab ay ka sifeynayaan Haradiga Maamulkii Shabaab. Shalay ayay ahayd markii Illaa Sedax Dhallinyara ah lagu Toogtay gudaha magaalada kuwasoo looga shakiyay in ay ka tirsanaayeen Xarakada Shabab in kastoo la sheegey in dhalinyaradas la toogtay ay ahaayeen dadka degaanka mamulkii halkaa ka baxayna ayan ka tirsanayn.

 

 Si kastaba Baandowgii Magaaladas lagu soo roigay ayaa weli tabtiisii u taagan tasoo ka bilaabanaysa habeen walba marka saacaddu ay tahay 7da Fiidnimo tasoo wixii ka danbeeya xiligas aan la arki Karin cid magaalada dhex soconayasa.

Source: Danan Radio