Deprecated: mysql_connect(): The mysql extension is deprecated and will be removed in the future: use mysqli or PDO instead in /home/content/05/13955805/html/news/confolder/xiririye-front.php on line 7
Danan Broadcasting Network
HomeNewsArticlesProgramsSportsVideosAudio
Radio Danan Kala soco Warar sugan Soomaaliya iyo Caalamka. Danan Radio waa Warbaahin Xaqiiqda soo saarta
Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Oo Mas’uuliyadda Soo Gelitaanka Ciidamada Shisheeye Dhabarka U Saarisey Xarakada Shabaab.

Date: 2011-11-30 11:19:14
EmailPrintShareFeedback
Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka hadlay Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soo galay.

 

Shiikh Bashiir ayaa ayaa u aaneeyay soo gelitaanka Ciidamada shisheeye ee dalka Xarakada Shabaab isagoona sheegey in ay ku gacan seeureen sidii nabad dalkan loogu soo dabbaali lahaa.

Mas’uuliyadda arrintan waxaa qaadaya Xarakada Shabaab” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed isagoona intaa raaciyay  in ay jireen dadaalo badan oo lagu doonayay in lagu dhex dhexaadiyo dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada shabaab taasoo shabaabku ay dideen .

 

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Hay’adoodu weli ay diyaar u tahay u kala dab qaadida dhinacyada isku haya Siyaasadda Dalka haddii taa laga helo dhinaca Shabaabna ay Mushkiladdaasu iska dhamaan doonto waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa ka digay sii socoshada dagaalada isagoona farta ku fiiqay haddii Shabaab ay arrintaa nabad raadinta ah ay u hoggaansami waayaan in iyagu ay lahaan doonaan  dhibaatada mar walba ka dhacda Soomaaliya.

 

Shiikh Bashiir ayaa ku celiyay in ay fidinayaan diyaarna u yihiin in ay dhigaan Gogal nabadeed haddii laga helo Shabaab haddiise ay taa diidaan waa siduu hadalka u yiriye dhibaatada Soomaalidu waxa ay ahaan doontaa mid sii daba dheeraata.

 

Hay’addan Culumada Soomaaliyeed ayaa hore ugu dhawaaqday in ay diyaar u tahay in ay isku keento dhinacyada wadanak ku dagaalamaya hase yeeshee waa ay ku guul daraysatay in arrintaa ay meel mariso.

 

Hadalkan Guddoomiyaha Hay’adda ayaa imaanaya xilli Dagaaladii Muqdisho ay haatan isku bedeleen qaraxyo ka gadaal markii xarakada shabaab ay sheegeen in ay bedeleen qaabkii ay kula dagaalamayeen ciidamada dawladda iyo kuwa amisom oo ay doonayeen in ay af genbiyaan.

Si kastaba dadaalka hay’adda ayaan hore u noqon mid mira dhal ah taasoo iminka ku soo ururey Eedeymo ay u soo jeediso Xarakada Shabaab oo ay ku eedeyneyso in iayadu ay qaadato mas’uuliyadda Ciidamada shisheeye ee dalka soo galay oo ay sheegeen in ay iyagu u durbaan tumeen.

Source: Danan Radio