
by
Cabdixakiim Fiqi oo Ragga wararka dira kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dalka dib ugu soo laabto.
Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xarriiqay in wax laga xumaado ay tahay Barlamankii Soomaaliyeed oo maanta Shaashadaha laga daawanayo iyagoo is dilaya arrintaasina ay sumcad xumo ku tahay Xildhibanada Barlamanka.
Wasiirkii gaashaan dhigga ayaa ugu yeeray Xildhibanada Barlamanka in wixii khilaafaad ah ee jira lagu dhameeyo xal wada hadal ah isla markaana la iska dhaafo waxyaabaha dhalinaya khilaafaadka.
Cabdixakiim Xaaji Fiqi ayaa dhinaca kale ka hadlay horumarka laga gaaray dagaaladii ay bilowdey Xukuumaddiisa wuxuuna sheegey inuu maanta aad ugu farxsan yahay qabsashada Ciidamada dawladdu ay qabsadeen degaano ay hore ugu sugnaayeen Ciidamada Xarakada Shabaab.
Wasiirkii gaashaan dhigga ayaa ugu hanbalyeeyay Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye ee kaabaya guulaha ay ka soo hooyeen dagaaladii ay la galeen Xarakada Shabaab.
Cabdixakiim oo dalka isaga tegay markii ay dhacday xukuumaddii farmaajo ayaa iminka dalka dib ugu soo laabtay iyadoo warar hoose oo aynu helaynana ay sheegayaan in laga yaabo in wasiirkii hore uu isu soo taago jagada guddoomiyaha barlamanka.
Si kastaba Cabdixakiim ayaa isla maanta wada hadal la qaatay Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Shariif Shiik Axmed walow aan tafaasiil laga bixinin waxyaabihii ay ka wada hadleen.