Ciidamada Filibiin ayaa maanta oo isniin ah Bad baadiyay nin u dhashay dalka ingiriiska iyo xaaskiisa oo laga afduubay meel xeebta koonfureed ku taal Bishii lasoo dhaafay ayna ka afduubeen kooxo hubaysan oo xiriir la leh dawladda islaamka ee Daacish.
Taliyaha millatariga Filibiin ayaa sheegay in Ciidamadu ay ka soo qabteen afduube yaashaa Aaga buraha ku teedsan ee Gobolka Sulu isla markasnaa ay badbaadiyeen lammaanaha kadib dagal qarar oo dhexmaray ciidamada iyo afduubeyaasha.
Taliyaha millatariga Filibiin ayaa xaqijiyay in seddex kaluumeysato Reer Indonesia ah oo dhawaan laga afduubay gobolka Sabah ee dalka malaysiya meel u dhow sooh dinta badda ee ku taal koonfurta Filibiin ay gacanta ugu jiraan dagaalyahannada DACISH ee sulu.