Muwaadin Soomaali ah oo lagu Dilay dalka koonfur Afrika

Wararka naga soo gaaraya dalka koonfur afrika Gaar ahaan magaalada  Johannesburg ayaa sheegaya in xalay lagu dilay qof muwaadin soomaali ah oo kusugnaa dalkaasi.

Shaqsiga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi jibaar C/llaahi Jimcaale Isagoona xiligaas kusugnaa goob ganacsi oo isaga  uu kulahaa halkaasi .

Shaqsiyaadka dilka geestay ayaa Waxay ugu tageen Goobtiisa Ganacsiga oo kutaala deegaanka Oronjo Fam Johannesburg  iyagoona dhowr xabadood ku dufteen  ka dibna Goobta ayey ka baxsadeen.