Mid kamid ah madaxweynayaashii hore ee Dalka oo ku Been Abuurtay Bulshada ku Dhaqan Deeganada Jubaland

Xasan Sheekh Maxamuud oo horay usoo noqday madaxwenaha jamhuuriyada faderalka ee Soomaliya kuna sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dowlad kasta oo Shacabkeeda Raali ka yihiin aysan jirin cid diidi karta.

Isagoona hadalkaasi oola jeeday in shacabka kudhaqan deenada jubbland ay Rabitaankooda  U hayaan Axmed madoobe,

Hadalka madaxweynihii hore waxaa aad ooga carooday bulshada kudhaqan deeganada Jubaland oo Axmed madoobe uu ugaystay dhibaatoyin iskugu jira dil, dhaawac iyo barakac,

xasan sheekh maxamuud iyo siyaasiyiinta kale ee kusugan magalada kismaayo ayaa dagaal siyaasadeed kula jira dowladda faderaalka ee soomaliya ayagoona ay umuuqato  dhaliisha dawlada lkn aan arkin dhibatada Axmed madoobe uu ka gaystay degaanadaasi.