Mid ka mid ah Saraakiisha Booliska oo la dalacsiiyay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ka dib baahi loo qabay in la dalacsiiyo ka dibna loo magacaabo xilkan.

Howshan dalacsiinta ah iyo magacaabista isbedelka lagu samaynayo Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa maalmahanba si aad ah loo hadal hayay iyadoo isbedelkan laga yaabo inuu saamayn ku yeesho qaar kale oo isla Saraakiisha booliska ah.

Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye oo xilkaas in muddo ah ku shaqaynayay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo maanta oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019 ka sida lagu sheegaay warqada dalacsiinta Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.