Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukunno kala duwan ku riday Shaqsiyaad ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab oo loo heysto dilal ka dhacay Galbeedka Muqdisho, Maxkamadda ayaa waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Saadaq Jabaar Xuseen, Shuceyb Cabdullaahi Maxamed halka Ismaaciil Maxamed Aweys iyo Maxamed Cismaan Axmed lagu xukumay Xabsi daa’in.
sida uu saakay warbaahinta u aqriyay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasn Cali Nuur Shuute.