Maxkamadda Ciidamada Oo xukun ku riday Guddoomiyihii hore ee Maxaas

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haysto qarax ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Cali Axmed Guure (Qoyane) iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheikh Cilmi Cawaale gudoomiyihii hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in.

Dhammaantood waxaa loo heystaa Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi kaas oo dhacay 19/04/2019.