Maxkamada icc ayaa 30 sano oo xarig ah ku xukuntay Ntaganda oo madax u ahaa falaago tacdiyo badan ka Geysatay Jamhuuriyad demuqaraadiga kongo .Ntaganda oo loo yaqiinay “joojiye” ayaa qirtay dhamaan dambiyadii loo haystay.
Ninkaan ayaa waxa uu ka geystay xaasuq , dil iyo kufsi Gobalka macdanta qaniga ku ah ee Ituri waxaa Sidoo kale lagu helay 13 danbiyo dagaal iyo tacdiyo xuquuqda Aadanaha lidi ku ah “waxa hada kudhacaya Ntaganda waa inay cabsi galin iyo tusaale u noqota dadka donaya inay tuulooyinka nagu Argagixiyaan” waxaa sidaas Yiri mid kamid ah dadkii kabadbaday tacadiyadii Ntaganda.
Xukunkaan ayaa noqonayaa midkii ugu dheeraa ee Abid ay Xukmiso maxkamada ICC. in kabadan 60,000 oo qof ayaa lagudilay ila iyo intii ay kaqarxeen Rabshadaha Gobolka ituri sanadkii 1999.