Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Puntland oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sida ay shalay dowladda ula dhaqantay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynihii hore puntland Cabdiweli Gaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadii shalay loola dhaqmay madaxweynayaashii hore,wuxuuna sheegay in madaxdii hore ay mudan yihiin in la ixtiraamo, islamarkaana loola macaamilo si degan.
Gaas ayaa baaq udiray madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inay dajiyaan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka.
“Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u soo shaqeeyeen oo Madaxweynayaal u soo ahaayeen.”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.