Madaxweyne Farmajo oo Bilad Sharaf Gudoonsiiyey Wiil Dhalinyaro ah

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) oo caan ku noqday jacaylka iyo qaddrinta Calanka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan  Maxamed Cali Oo loo yaqaan Aar ayaa ah wiil Ku dhashay kuna badbaaday Hargeysa isagoo dhowr bilood kahor ay Booliiska Somaliland ku xireen Magaalada Hargeysa kadib markii uu Magaalada la dhex qaaday isagoo xiran isku joog ah Midabka Calanka Soomaaliyeed Astaanta Qarankana saaran tahay.

Farmaajo ayaa ku maamuusay guddoonsiinta astaanta Qaranka keddib markii uu kulan dhiirrigelin ah kula qaatay Villa Soomaaliya.